test

Haddi hoggaanku sax yahay, shacabka ayaa jid sax ah mari doona. Dal aan hoggaan mideysan lahayn, wuxuu noqonayaa mid jahwareer ku jiro.

 Qaran kasta wuxuu horumar gaaraa marka madaxdiisu isla jaanqaadaan, wada shaqeeyaan, oo ay hal jiho wada raacaan. 

Haddii madaxda sare sida madaxweynaha, wasiirrada, iyo agaasimeyaashu mid walba uu dan gaar ah ku mashquulo oo aysan isla qorsheyn mustaqbalka dalka, shacabka ayaa dhib iyo jahwareer wajahaya.

Tusaale ahaan: Ka warran doon ay dad badan saaran yihiin, balse midba meel u jeedo, oo aan cidna hagayn? Doonidaas meel ma gaari karto, ugu dambeyna waxay noqon doontaa mid dhexda badda ku halaabta. Sidaas si la mid ah, dal aan hoggaankiisu isla socon ma gaari karo horumar.

Himilada qaranku waa inay noqotaa mid mideysan, oo dhammaan mas’uuliyiinta dowladda ay wada ilaaliyaan danta guud.

Marka madaxdu mid noqdaan oo ay si hufan u shaqeeyaan, shacabka ayaa helaya adeegyo wanaagsan, horumarka ayaa muuqanaya, dalka oo dhan ayaana iftiin gelaya.


Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan mideysan si ay u gaarto horumar dhab ah.

#Somalia #Nabad #Barwaaqo



No comments:

Haddi hoggaanku sax yahay, shacabka ayaa jid sax ah mari doona. Dal aan hoggaan mideysan lahayn, wuxuu noqonayaa mid jahwareer ku jiro.

  Qaran kasta wuxuu horumar gaaraa marka madaxdiisu isla jaanqaadaan, wada shaqeeyaan, oo ay hal jiho wada raacaan.   Haddii madaxda sare si...

Powered by Blogger.