test

Afka soomaaliga oo la gumeyey

Dalkeena Soomaaliya boorarka in afsoomaali lagu qoro maxaa diiday mise dadkeena qalbiga British iyo American ka wada ah!

Meelkasta oo aad tagtid dalka gudihiisa dagmo Ilaa caasimaad waa af-ingriis

Isbitaaaladi, iskooladii, jamacadaha, dukaamadi suuqa iyo kuwii Xaafadaha dhamaan waxaa ku dhagan afqalaad.

Wadda walba waxaa suran boor ingriis ku xardhanyahay oo wax lagu xayasiinayo dadka loo sheegayana waa soomaali oo ingriiskaba heerkay ka joogan iska hooseeyo.

Dowladda soomaaliyed waxay u muuqata mid gabtay doorkeedii oo aan waxba kaqabanin dulaysiga lagu hayo afka hooyo.

  • Ummadaan Af-iyo luuqad qabin iimo loo yeelye
  • Ajanabigu goortuu arkuu la anfariiraaye
  • Asalkaad u dhalataan la hubin aayo kaaga ahe
  • Shakibaa abuurmaa illeyn lagu aqoon waaye
  • Aadane waxaa lagu gartaa ereyga kiisaaye
  • Bulsho iyo afkeed waa sidii aqal iyo tiirkiise.


No comments:

Haddi hoggaanku sax yahay, shacabka ayaa jid sax ah mari doona. Dal aan hoggaan mideysan lahayn, wuxuu noqonayaa mid jahwareer ku jiro.

  Qaran kasta wuxuu horumar gaaraa marka madaxdiisu isla jaanqaadaan, wada shaqeeyaan, oo ay hal jiho wada raacaan.   Haddii madaxda sare si...

Powered by Blogger.