Sadex faai’ido maleh;
1. Maal gacan baqiil ku jira.
2. Seef gacan fulay ku jirta.
3. Qalin gacan munaafaq ku jira.
Intaan ayago dhaba bay soomaalida ka dhex jiraan hal qolaana kulansatay dhamaantood waana siyaasiyiinta soomaalida (shanta soomaaliyed).
1. Maal gacan baqiil ku jira; waa siyaasiga soomaaliga deeqaha aduunka ee soo gala gacantisa ama wax soosaarka dalka uguma qidmeyaan oo uma qaybiyaan dadkooda Si siman, durba jeebabkay ka buuxsadan inay dadka soomaaliyed wax ka faai’dana ma ogola.
2. Seef gacan fulay ku jirta; waa (xukunka) Awood dowladnimo iney dalkooda gaarsiiyan ma gartaan mana ku dhiirana, cadawga umada soomaaliyed ma wajahaan mowqif mideysan kama yeeshaan, mudo 60 sano ka badan baa ceeb iyo daruufo isbiirsaday Soomaalidu dhex taganyihiin.
3. Qalin gacan munaafaq ku jira; waa cadaalad darada ay kula kacaan dadka soomaaliyed melkasta oo ay ku noolyihiin, waxay u kala qobqobaan qabiilo iyo reero isdiidan markaa bay qalin ugu awood sheegtan.
Kuna darsoo soomaalida guud ahan maamul hufan iyo hogaan way ka aradayihiin, shantii soomaaliyeed wax badan oo hormara maysameen gumeystihii kadib.
W/Q Mohammad Kafi
Maxay kula tahay fikirkada?









No comments: