'Waxaan shaqeeyaa kaliya 5 saacadood todobaadkii': Graham Cochrane, 39-jirkan wuxuu sameeyaa $160,000 bishii dakhli aan caadi ahayn - aan eegno maalintiisa caadiga ah.
Marna ma ahayn nooca dadka ku wanagsan ganacsiga laakin ka dib markii aan waayay shaqadaydii oo ahed injineer codadka maqalka ah u duuba Idaacad 2009, waxa ay noqotay in aan hal abuur yeesho si aan nolol maalmeedkayga u daboolo.
Saddex iyo toban sano ka dib, aniga oo 39 jir ah, waxaan dhisay laba meherad oo online ah kuwaaso oo an ka helo dakhli $160,000 bishii. Waxaan sidoo kale dhawaan daabacay buug "How to Get Paid for What You Know".
Ganacsigii ugu horreeyay ee aan bilaabay waxa uu ahaa Duubista muusiga,
Waxaan iibin jiray muusik iyo blog-waxbarasho oo aha koorsooyin wax soo saar leh.
Midda labaad oo aan bilaabay 2018, waxan dadka baraa sidii ay lacag uga heli lahaayeen rabitaankooda, sidaan sameeyay oo kale, Waa ganacsiga ugu faa'iidada badan iyadoo ay ugu wacan tahay iibinta koorsada khadka tooska ah (online course) iyo barnaamijka tababarada suuqa internet-ka ah.
Ku dhawaad 2,800 oo qof ayaa isticmaala alaabtayda, hadafkayguna waa in aan caawiyo ganacsato badan oo kobciya ganacsigooda internetka iyaga oo shaqaynaya saacado yar.
Muhiimadeyda ugu sareysa waa inaan waqti la qaato qoyska, sidaas darteed waxaan dejiyay shaqadayda iyo noloshayda gaarka ah si aan awood ugu yeesho inaan diirada saaro qiyamkaas muhiimka ah.
Subaxdayda waxay ku bilaabataa aayar oo fudud. Caadi ahaan waxaan toosaa 5 subaxnimo - carruurta ka hor - sababtoo ah marwalba waxaan rabaa saacad naftayda ah. Waxaan ku bilaabayaa kafeega iyo akhrinta kutub.
Wax akhrinta ka dib, waxan firfirsha joornaalka, sido kale waxaan la sameeya quraacda xaaskayga waxana soo kacsha carruurta. Waxaan qaadana 20 ilaa 30 daqiiqo si wada jir ah ayan cunteyna ka hor inta aanan dugsiga u ka xeen caruurta 7:30 subaxnimo.
Kadibna waxaan dib ugu noqdaa xafiiska gurigayga, ama waxaan sameeyaa jimicsi degdeg ah haddii aan caajis daremayo.
Waxaan shaqeeyaa shan saacadood todobaadkii - Isniinta iyo Arbacada
Isniin-kasta waxaan qorsheeyaa oo aan abuuraa fiidiyowyada YouTube-ka iyo qaybo podcast ah(live ah).
Macaamiisha muhiimka ah waxay caadi ahaan iga helaan macluumaad toos ah oo bilaash ah, sido kale waxaan u qaabeeyay nidaamka ganacsigayga inuu si toos ah u diro iimaylada.
Saacadaha hadhay ee Isniinta Waxaan Duuba fiidiyowyada iyo podcasts waxay qaadataa qiyaastii laba saacadood. Waxa kale oo aan leeyahay qof tafatira oo i shaqeya.
waxan ka jawaaba dhaman iimayllada iga yimada macaamishayda la talinna waan u sameyaa.
Arbacada, waxaan waqti ku baxsha falcelinta bulshada, ka dibna waxaan martigeliyaa wicitaan toos ah oo 90-daqiiqo ah tababarida ardaydayda ganacsiga.
Waligey waqti kuma bixin maalayacni Ama fadhi ku dirir mana aaminsani inuu u fiicanyahay caafimadka iyo caqligaba,
Haddii aad heli karto hab aad ku dhisto nidaamka ganacsigaaga si uu inta badan keligii u shaqeeyo, uma baahnid inaad wakhti lumiso samaynta ilaalin joogto ah.
Waxa ugu muhiimsani “waa inaa noqota kan naftiisa maamula” (being your own boss).
Waqtiga qoysku waa mudnaanta 1-aad…
waxaan waqti la qaataa qoyskayga.
Jimcaha waxaa loo tixgaliyaa maalinta xaaskeyga ay ledahay (date day). Waan wada aalamitena, Bananka ayan qada uwada doonana sido kale waxaan ka sheekeysana arimaha caruurtena.
waxanu diirada saarnay sidii aan si fiican ugu wada dhaqmi lahayn marka uu khilaaf yimaado, ma jiro guur dhammaystiran bila khilaf waxaana ka shaqeeya sidaa u noqon laha sey wanaagsan iyo aabo fiican.
Hadda, aniga iyo xaaskayga waxaan sadaqo ugu deeqnaa 30% dakhligayaga, laakiin waxaan rajeyneynaa inaan ugu dambeyntii gaadhsino 50%.
Tulucda sheekadu waa inaa muhiimad siisaa Naftada hormarinteda Oo mustaqbalkada gacantada ku dhisato waqtina galisa rerkada baraarihiisa.
haddi ay ku cajabisay share-garey.
Tarjumid; MohammadKafi.
Sources by Flipbroad.









No comments: