test

Dugsiga degmada Seattle ayaa dacweeyay TikTok, Meta dhibaatada caafimaadka maskaxeed ee ay ku hayaan dhalinyarada.

 Dugsiyada dadweynaha dagmada Seattle (maraykan) ayaa gudbiyay dacwad cusub oo ka dhan ah shirkadaha baraha bulshada ee TikTok, Instagram, Facebook, YouTube iyo Snapchat, iyaga oo doonaya in lagula xisaabtamo dhibaatoyinka caafimaadka dhimirka ee dhalinyarada.

Dugsiyada Dadweynaha ee magaalada Seattle waxay jimcadi hore dacwad u gudbiyeen Maxkamadda Degmada Seattle ee Maraykanka Cabashada oo ka kooban 91 bog ayaa sheegaysa in shirkadaha baraha bulshada ay abuureen dhibaato dadweyne iyagoo wax soo saarkooda ku bartilmaameedsada carruurta.

Dugsiyada waxay ku eedaynayaan shirkadaha baraha bulshada inay uga sii darayaan caafimaadka Maskaxeed ee caruurta iyo in ay sababeen cilladaha habdhaqanka qalafsan oo ay ku jiraan walaaca, niyad-jabka, cunno-xumada taasoo ka dhigaysa mid aad u adag in ardayda wax la baro iyo ku qasbida dugsiyada inay qaadaan tillaabooyin ay ka mid yihiin shaqaaleysiinta xirfadlayaal caafimaad dhimirkaa oo dheeri ah iyo samaynta qorshayaal casharo ku saabsan saamaynta baraha bulshada, iyo wiliba siinta tababaro dheeraad ah macalimiinta.

Gunaanadkii, hadda nahay bulshada soomaaliyeed waxaa nala gudboon in aynu qaadno tilaabooyin xaqiijinaya bad qabka caruurtena kana hortagno fasahaadka jogtadaa ee ku socda dhalinteena ee kaga imanaya baraha bulshada si gaar ah TikTok.

Tarjumid: Mohammad A. Ahmed

No comments:

Haddi hoggaanku sax yahay, shacabka ayaa jid sax ah mari doona. Dal aan hoggaan mideysan lahayn, wuxuu noqonayaa mid jahwareer ku jiro.

  Qaran kasta wuxuu horumar gaaraa marka madaxdiisu isla jaanqaadaan, wada shaqeeyaan, oo ay hal jiho wada raacaan.   Haddii madaxda sare si...

Powered by Blogger.